Khudbadii Madaxweyne Deni: Iyo Wejiga Saddexaad ee Dagaalka

Share this Post

Boosaaso – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay khudbad uu ka jeediyay magaalada Boosaaso kaga dhawaaqay bilawga wejiga saddexaad ee dagaalka cirib-tirka argagixisada Daacish, kaddib markii ay guul kusoo dhamaadeen wajiyadii hore ee dagaalka. Wejigan cusub ayaa diiradda lagu saari doonaa soo afjaridda xubnaha Daacish ee wali ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Madaxweyne Deni ayaa ku ammaanay ciidamada Puntland dhamaystirka wejiga labaad ee hawlgalka Hilaac, kaas oo ciidamadu ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan Xaruntii ugu wayneyd ee ururka argagixisada Daacish ee magaalada Dasaan. Sida uu sheegay Madaxweynaha, magaalada Dasaan waxay ahayd xarunta laga soo abaabuli jiray weerarrada Daacish ka fuliso Soomaaliya, Afrika, iyo guud ahaan caalamka.

Bilaabashada Wejiga Saddexaad ee Dagaalka K a dhanka ah Daacish

Madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqay habeenimadii xaley in maanta oo Jimce ah, 28-ka Febraayo 2025, uu si rasmi ah u bilaabanayo wejiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish. Wejigan cusub ayaa diiradda lagu saari doonaa soo afjaridda maleeshiyaadka Daacish ee ku kala firxadey buuraleyda Calmiskaad.

“Waxaan rabaa in aan halkaan uga dhawaaqo in wejigii labaad ee dagaalka uu soo geba-gaboobay, sidoo kalena berri oo ah 28-da bisha Febraayo uu bilaabanayo wejigii saddexaad ee hawlgallada. Ilaa laga cirib-tirayo inta cid argagixiso ah oo Puntland dhaq-dhaqaaq ku leh, dagaalka waa socon doonaa. Markii mid dhammaado oo mid kale bilaabmo, bulshada waan la wadaagi doonaa,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhinaca kale madaxweyne Deni ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ee kula dagaallamaya kooxaha argagixisada gobollada Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee dagaalka xooggan kula jira Al-shabaab. Madaxwayanaha ayaa ku ku booriyey umada Somaliyeed midnimada iyo wada-hadalka, isagoo ka digay wax kasta oo keeni kara kala qaybsanaanta bulshada.

“Waxaan ka digayaa wax kasta oo ummadda Soomaaliyeed kala qaybin kara, waxaana ku baaqayaa in wakhti iyo dadaal la geliyo isu soo dhoweynta bulshada iyo nabad ku wada noolaanshaha,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa digniin culus u diray shaqsiyaadka la shaqeeya ururka argagixisada Daacish, oo uu sheegay in ay ku jiraan culimo, ganacsato, iyo dad kale oo bulshada magac ku leh. Waxa uu shaaciyay in muddo toddoba cisho ah la siinayo fursad ay isku soo dhiibaan, haddii kale tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

“Allaahey baa ma khaldame ah. Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku lug lahaa kooxda Daacish ee garab siinayey inay isku dhiibaan dawladooda muddo toddoba bariya ah. Dadkaasi waxay iskugu jiraan ganacsato, nabadoonno, iyo dad bulshada magac ku leh,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale farriin cad u diray xubnaha ajaaniibta ah ee ka tirsan ururka Daacish, isagoo u sheegay in haddii ay isku soo dhiibaan ciidamada dawlada dib loogu celin doono dalalkoodii. Waxa uu sheegay in daacish ay buuraha u jogaan Haween iyo caruur, Puntland aysan dooneyn in ay leyso, balse haddii aysan isa soo dhiibin, laga qaadi doono tallaabo millatery oo adag.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa ku nuux-nuuxsaday in Soomaaliya ay wajahdo khatar weyn oo amni, taas oo salka ku haysa khilaafka siyaasiyiinta iyo isku dhacyada gudaha. Waxa uu ku booriyay hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay dadaal geliyaan wada-hadalka iyo isu soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed si looga gudbo caqabadaha jira.

“Soomaaliya waxa ay ku jirtaa khatar weyn. Xogo aan helnay ayaa muujinaya in dalkeena uu baylah ka dhigay khilaafka siyaasiyiinta. Waxaan ku boorinayaa wada-hadal iyo isu soo dhoweyn si loo badbaadiyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa hoosta ka xarriiqay in kooxda Daacish ay qorsheynayeen inay qabsadaan magaalada Boosaaso, taas oo khatar ku ahayd amniga gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. Wuxuu ku celiyay go’aanka Puntland ee ku aaddan cirib-tirka argagixisada, isagoo carabka ku adkeeyay in Puntland aysan marnabamarnaba u dulqaadan doonin dhaq-dhaqaaqyada argagixisada.

“Kooxda IS waxay damacsaneyd in ay qabsato Boosaaso, taasina waxay khatar weyn ku ahayd amniga gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. Laakiin ma oggolaan doonno in cadowgu uu cagaha dhigo dhulka Puntland,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Puntland Online


Share this Post