HomeNewsWorld

Warbixintii U Danbeysey Ee Dagaalka Ruushka Iyo Ukrine 12 August 2024

Saraakiisha Ruushka ayaa Isniintii maanta ku dhawaaqay in daadgureyn laga bilaabey degmooyinka xadka ee gobollada Belgorod iyo Kursk ee dalka Ruushka.

Ciidamada Ukraine, waxay gudaha u galeen Ruushka ilaa 12 kiiloomitir, iyagoo qabsaday ilaa haddana maamulaya ilaa 28 tuulo oo ku yaalla degmada Sudzhansky ee gobolka Kursk ee gudaha dalka Ruushka.

Ruushka oo isku dayaya inuu dib ula wareego degaanadii laga qabsadey ayaa ciidamo badan u daad gureeyey furimaha dagaalku ka socdo, si uu dib ugula wareego dhulka laga qabsadey, hase yeeshee  uma suura gelin dagaalkuna weli waa socdaa.

Saamaynta dagaalka ee Dadka Rayidka ah

Dagaalka ayaa sababay barakaca dad badan. Sidoo kale in ka badan 121,000 qof ayaa laga daadgureeyay degaanada uu dagaalku ka socdo, iyadoo 59,000 oo kale la qorsheynayo in la daad gureeyo.

Dhimashada iyo Dhaawaca

Guddoomiyaha gobolka Kursk, Alexey Smirnov, ayaa sheegay in 12 qof oo rayid ah la dilay, halka 121 kale oo ay ku jiraan 10 carruur ah ay  dhaawacmeen.

Mowqifka Dowladda Ruushka:

Madaxweyne Vladimir Putin wuxuu ku tilmaamay weerarka Ukraine mid la doonayo in lagu carqaladeeyo Ruushka. Putin wuxuu sheegay in howlgallada millateri ee Ruushku ka wado gobolka Donbas, aysan saameyn ku yeelan doonin xaaladda Kursk, iyada oo dowladdu ku dhawaaqday xaalad degdeg ah si loo soo celiyo amniga  gobollada Kursk, Belgorod, iyo Bryansk.

Dhibaatooyinka Soo Gaaray Warshadaha Ruushka

Xaaladda hadda jirta ayaa saameyn ku yeelatay warshadaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobollada Kursk iyo Belgorod. Warshado muhiim ah iyo xarumo  saadka ah (logistics) ayaa waxaa wax yeelo gaarsiiyey ciidamada Ukraine.

Kursk: Waxaa  sidoo kale warar sheegaya in warshadaha ku yaalla gobolka Kursk, oo ay ku jiraan dhuuumaha gaaska, warshado militari iyo kuwa tamarta, ay waxyeelo  soo gaartay.

Halkee Ku Yallaan Gobollada Kursk, Belgorod, iyo Bryansk:

Kursk: Gobolka Kursk wuxuu ku yaal koonfur-galbeed  Ruushka, wuxuuna xuduud la leeyahay dalka Ukraine. Kursk waa mid ka mid ah gobollada ugu dhow ee xuduudda la leh Ukraine.

Belgorod: Gobolka Belgorod wuxuu sidoo kale ku yaal koonfur-galbeed ee Ruushka, waana mid kale oo xuduud la leh Ukraine, wuxuuna aad ugu dhow yahay goobaha dagaalku kasocdo.

Bryansk: Gobolka Bryansk wuxuu ku yaal galbeedka Ruushka, waana gobol kale oo xuduud la leh Ukraine. In kasta oo Bryansk uu ka fog yahay goobaha lagu dagaalamayo, haddana waxaa jirta cabsi laga qabo in Ukraine weerar ku qaado.

Spread the love