Dowladda Federaalka oo Puntland Ku Dhaliishay Dagaalka Ka Dhanka ah Khawaarijta
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa soo saaray qoraal uu ku dhaliilayo dadaallada maamulka Puntland ee lagu ciribtirayo argagixisada kusugan gobolka Bari. Qoraalkan, oo lagu baahiyay warbaahinta qaranka, ayaa lagu sheegay in dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, oo ah mid muhiim u ah badbaadada Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan, uu noqday arrin siyaasadeed oo bulshada lagu marin habaabinayo.
Wasiirka ayaa sheegay in hoggaanka Puntland uu dagaalkan u adeegsanayo dacaayado siyaasadeed halkii ay ahayd in loo mideeyo dadaallada lagu suulinayo argagixisada si loo gaaro nabad waarta. Qoraalka ayaa si cad u tilmaamay in hawlgallada noocan ah, oo aan la isku waafaqsaneyn heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, ay wiiqayaan qorshaha guud ee amniga qaranka.
“Dagaalka khawaarijta waa arrin masiiri ah oo u baahan wada shaqeyn iyo iskaashi dhab ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa nasiib darro ah in dedaallada muhiimka ah loo rogo arrimo siyaasadeed oo bulshada lagu jahawareeriyo,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasiirka.
Qoraalkan ayaa imaanaya iyadoo Puntland ay dhawaan shaacisay in ay guulo waaweyn ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya gobolka Bari. Si kastaba ha ahaate, mowqifka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa abuuri kara xiisad siyaasadeed oo dheerad ah oo u dhexeysa dowladda dhexe iyo Puntland.
Waxaa la sugayaa jawaabta Puntland ee ku aaddan qoraalkan, iyadoo khilaafka u dhexeeya labada dhinac uu horey u saameeyay wada shaqeynta dhinacyada siyaasadda iyo amniga