Dagaalka Iraan Iyo Israa’iil: Cabsida dagaal wayn
(Puntland Online) Xaaladda gobolka Bariga Dhexe ayaa maalinba maalinta ka danbeysa kasii dareysa, kaddib markii weerarro khasaare dhaliyey ay is-weydaarsadeen Israa’iil iyo Iraan, kuwaasoo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur ballaaran. Maraykanka ayaa la filayaa inuu si toos ah uga qayb qaato dagaalka, iyadoo weli dadaallada diblomaasiyadeed ay socdaan.
Ciidamada cirka Israa’iil ayaa duqeyn ka fuliyey goobo istaraatiiji ah oo ku yaalla gudaha Iraan, gaar ahaan xarunta tamarta nukliyeerka ee Natanz iyo reactor-ka biyaha culus ee Khondab, kaasoo hore loogu yaqaaney Arak. Wararku waxay sheegayaan in dhowr xarumood oo ay Iran u isticmaasho cilmi-baarista nukliyeerka la beegsaday, halka qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Karaj iyo agagaarka garoonka diyaaradaha Payam.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in “Iraan ay la kulmi doonto cawaaqib aad u xun”
Dhinaca kale Iraan, oo ka jawaabeysa weerarka Israa’iil, ayaa gantaallo xoogan ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Israa’iil, iyadoo mid ka mid ah gantaalada Iraan uu si toos ah ugu dhacey Isbitaalka Soroka oo ku yaalla Beersheba, halkaas oo ay yaalleen dhaawacyada qaar badan oo kamid ah ciidamada Israa’iil ee kusoo dhaawacmey dagaalka marinka Qaza.
Khasaaraha la xaqiijiyay wuxuu kor u dhaafayaa 200 dhaawac ah, iyadoo ugu yaraan 24 ruux ay dhinteen. Warbaahinta dowladda Iraan ayaa sheegtay in bartilmaameedka rasmiga ah uu ahaa xarunta sirdoonka militariga Israel ee ku taalla Telabiib, gaar, aahaan Gav-Yam Technology Park, balse isbitaalku uusan ahayn goob si ula kac ah loo beegsaday.
Sidoo kale Saraakiil sare oo Maraykan ah ayaa la sheegay inay wadaan diyaar garow ciidan oo suurtagal ka dhigaya in Washington si toos ah ugu lug yeelato dagaalka. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan weli go’aan rasmi ah gaarin, balse uu “xaaladda si dhow u eegayo” iyadoo Aqalka Cad uu sheegay in laga yaabo in go’aan kama dambeys ah laga gaaro labada toddobaad ee soo socda.
Khasaaraha bani’aadannimo ee labada dhinac
Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigoodu yahay Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 639 qof ay ku dhinteen duqeymaha Israa’iil ay ka waddo Iraan. Tiradii ugu dambeysay ee Iraan shaacisay waxay aheyd in ka badan 240 dhimasho iyo 1,277 dhaawac ah.
Intaas waxaa sii dheer, dowladda Iraan ayaa shaacisay in ay xirtay 24 qof oo ay ku eedeysay basaasiin u shaqanayey sirdoonka Israa’iil ee Mosad, iyadoo sidoo kale hakisay dhammaan duulimaadyadii gudaha iyo dibadaba.
Dhinaca Israa’iil, warbixino rasmi ah oo kasoo baxey Israa’iil ayaa muujiyey, in in ka badan 5,100 qof ay noqdeen, hoy la,aan kaddib markii guryahoodi ay ku burbureen duqeymaha Iiraan, halka dad gaaraya 1000 ay ku barakaceen magaalada Telabiib.
Dadaalada Diblomaasiyadeed
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa shaacisay in ay Jimcaha kulammo la yeelan doonto wakiillo ka kala socda Faransiiska, Jarmalka, UK, iyo Midowga Yurub, si xal diblomaasiyadeed loogu raadiyo xiisadda sii xoogeysaneysa.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sidoo kale sheegay in uu ka shaqeynayo xal mideysan oo ay wadagaan Yurub iyo Mareykanka, si loo damiyo colaadau dhaxeeysa labada dal.