Warbixin: Maxey Yihiin Dagaalada Culus ee kasocda Suuriya?

Share this Post

Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya kooxo taabacsan madaxwaynihii hore ee Suuriya Bashar Al Asad iyo ciidamada dawlada cusub ee Suuriya ayaa ka socda magaalooyinka Latakia iyo Tartous ee dhaca xeebta badda Mediterraneanka ee dalkaasi Suuriya, halkaas oo ay ku xoogan yihiin qowmiyada Calawiyiinta oo ah qowmiyadda uu kasoo jeedo madaxwayihii xilka laga tuurey ee Bashar al-Assad.

Rabshaduhu waxay bilowdeen maalinimadii Khamiistii, waxaana la sheegay in ay ku dhinteen in ka badan 225 qof, oo ay ku jiraan 125 shacab ah. Sida ay wararku sheegayaan, ciidamada dowladda ayaa si bareer ah oo aan kala sooc laheyn u dilay dad shacab ah oo isugu jira dhalinyaro iyo wayeel.

Dowladda Syria ayaa sheegtay in ay baaritaan ku samayn doonto askartii sida bareerka ah u leysay dadka shacabka ah.

Dowladdu waxay sheegtay in dagaalka looga diley 150 askari, halka maxaabiis ahaan loo qaatey 300 oo askari.

Anas Khattab, madaxa sirdoonka Suuriya, ayaa sheegay in saraakiil hore oo katirsanaa nidaamkii dhacey ee Assad ay ka dambeeyaan rabshadaha kasocda gobolada xeebta.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa shacabka uga digtay in aysan u dhowaan goobaha ay ka socdaan howlgalada millateri.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Suuriya ayaa sheegtay in lix isbitaal oo ku yaalla gobollada Latakia iyo Tartous ay weerareen maleeshiyaadka haraadiga Assad, taasoo sababtay dhimashada dad badan oo shacab ah.

Qoyska Bashar Al Assad, oo kasoo jeeda qowmiyadda Calawiyiinta, ayaa Suuriya xukumayey in ka badan 50 sano, balse sanadkii hore ayaa waxa xilka ka tuurey mucaaradka dalka la wareegey ee hogaaminayo madaxwayanaha ku meel gaar ka ah ee Al Jolani.

Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Axmed Al Jolaani ayaa balan qaaday in sharciga la horkeeni doono dadkii weerarka geystay, isagoo ciidamada amaanka amar ku siiyey, in ilaaliyaan dadka shacabka ah si looga fogaado, khasaaraha soo gaara dadka rayidka

Dagaallada ka socda magaalooyinka Latakia iyo Tartous ee Suuriya waxay astaan u yihiin isbeddelka siyaasadeed ee Suuriya ka dhacay, kadib markii mucaaradku awoodda ka xayuubiyeen, xukunkii qoyska Bashar Al Assad ee 50 sano dalkaas heystey, kaas oo hadda sida la aamin san yahay ka dambeeya rabshadaha kasocda Suuriya.


Share this Post