Musuq Garab Helay oo Saameeyay Adeegga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Share this Post

Laga soo bilaabo dhismihii maamulka Puntland, waxaa soo ifbaxayay musuq baahsan kaas oo saameyn ku yeeshay hay’adaha kala duwan ee dowladda. Cilmi-baaris dhowaan ay samaysay Jaamacadda PSU ayaa tilmaantay in noocyada musuqmaasuqa ee ka jira wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Puntland ay yihiin kuwo baahsan, oo ay ka mid yihiin wax isdabamarin iyo ku takrifal hantida dadweynaha.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland, oo u xil saaran bixinta adeeg caafimaad oo tayo leh, ayaa mudadii ugu dambeysay soo food saartay eedeymo musuqmaasuq oo si weyn u saameeyay adeegyada caafimaadka ee bulshada. Shaqaalaha wasaaradda ayaa caan ku ahaa in mar kasta oo madax cusub la soo magacaabo ay si dhaqso ah ula qabsadaan una qayb galaan kala tuurashada iyo xatooyada xoolaha umadda.

Maxaa Is Bedelay Hadda?

Muddooyinkii ugu dambeeyay, wasaaradda waxaa ka sii gurmayay xirfadlayaal caan ku ahaa isku haynta iyo maaraynta madaxda wasaaradda iyo kooxaha musuqmaasuqa. Arrintan ayaa keentay in xukuumadda cusub ee la dhisay ay is fahmi waayaan hawl wadeenadii wasaaradda iyo madaxda cusub, taas oo dhalisay khilaaf heer sare ah oo madaxtooyadu ay soo dhex gasho.

Guddiga Baadhista

Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni, ayaa magacaabay guddi ka kooban afar xubnood oo baara xaqiiqda ka jirta wasaaradda. Guddigan, oo kaashanaya hanti dhawrka guud ee Puntland, ayaa soo saaray warbixin muujinaysa baaxadda musuqmaasuqa ee ka jirta wasaaradda. Soo jeedinta guddiga waxaa ka mid ahayd in xilka laga qaado lana maxkamadeeyo ku simaha agaasimaha guud, agaasimaha maamulka, iyo agaasimaha caafimaadka asaasiga ah.

Maxaa Hortaagan Fulinta Soo Jeedinta Guddiga?

Wararka ilaa iyo hadda la helayo waxay sheegayaan in madaxweynuhu uu difaacayo ku simaha agaasimaha guud oo ay hayb ahaan jifo hoose isla yihiin. Sidoo kale, Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa la sheegay inuu difaacayo agaasimaha maamulka oo ay xaafad hoose isla yihiin isla markaana ka kiraystay guriga islaanka ee jidka 30-ka ku yaal.

Weli ma cadda mawqifka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, mundane Saciid Qoorsheel halka ku abbaari doono fadeexaddan, ma is casili doono mise qayb ayuu ka noqon doonaa boobka hantida guud.?

Arrintani waxay muujinaysaa sida madaxda Puntland iyo madaxda dhaqanka qaarkood ugu milmeen boobka hantida guud, iyagoo mudnaanta siinaya ilaalinta danaha qabiilka, halka laga filayay inay hormuud u noqdaan maamul ku sifaysan hufnaan iyo isla xisaabtan.


Share this Post