Maxey yihiin Ciidamada Kuuriyada Waqooyi Ee Ka Garab Dagaalamaya Ruushka?
Ciidamo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin furinta dagaalka ee gobolka Kursk ee dalka Ruushka iyagoo ka garab dagaalamaya ciidamada Ruushka.
Doorka dagaalka ee ciidamada xukuumada Pyongyang ayaa rasmi uga dhigtey Kuuriyada Waqooyi Wadankii saddexaad ee rasmi ah ugu lug yeesha dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Wararka ka imanaya Seoul, Koonfurta Kuuriyada, ayaa sheegaya in in ka badan 10,000 oo askarta Kuuriyada Waqooyi ah ay ku sugan yihiin gudaha Ruushka, oo ay ka dagaalamayaaan furinta dagaalka ee gobolka Kursk. Dowladda Koonfurta Kuuriyada ayaa xaqiijisay in ciidamadan ay diyaar u yihiin inay taageeraan dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Koonfurta Kuuriyada, Jeon Ha-kyou, ayaa sheegay in ay jiraan caddeymo muujinaya in ciidamo badan oo Kuuriyada Waqooyi ah lagu arkay furinta dagaalka, gaar ahaan gobolka Kursk. Waxaa sidoo kale la soo weriyey in tirada ciidamada Kuuriya ee Ruushka kusugan ay yihiin 12k oo askari, kuwaas oo isugu jira saraakiil iyo askar kuwaas oo qaarkood tababar ku qaadanayaan saldhigyada milatariga ee Ruushka.
Maraykanka iyo Ukraine ayaa sidoo kale ka digay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay si rasmi ah ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah Ukraine, taas oo sababi karta in ay bartilmaameed sharci ah u noqon donaan ciidamada Ukraine. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku baaqay in xulafada reer Galbeedku ay tallaabo degdeg ah ka qaadaan arrintan.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay toos uga qayb qaadanayaan dagaalka wararka inta badan waxaa laga soo xiganayaa Koonfurta Kuuriya oo cadaawad ka dhexeyso Kuuriyada Waqooyi.
Sidoo kale wakaaladaha wararka ee Koonfurta Kuuriya ayaa soo wariyay in illaa 40 askari oo Kuuriyada Waqooyi ah lagu dilay dagaalka, iyadoo si dhab ah loo xaqiijinayo doorkooda ka qeyb galka dagaalka.
Dhanka kale kulan magaalada Seoul ee Caasimada Kuuriyada Koonfureed ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuuriyada Koonfureed Cho Tae-yul iyo madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ka muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan suurta-galnimada in Ruushka uu siinayo Kuuriyada Waqooyi tiknoolajiyada hubka nuclear iyo gantaalada ballistic.
Sidoo kale iyadoo lagu guda jiro gabo gabadii maalmihii
doorashada madaxtinimada Maraykanka
ayaa Kuuriyada Waqooyi sii kordhisay tijaabooyinka gantaalaha iyadoo la filayo in xiriirka ka dhexeeya Pyongyang iyo Moscow uu horseedi karo isbahaysi milatari oo hor leh.