Kumuu ahaa Ismail Haniyah?

Share this Post

31-ka Luulyo 2024,

Alla ha u naxariistee, Ismail Haniyeh, guddoomiyaha xafiiska siyaasadda ururka Xamaas, ayaa lagu dilay aroornimadii saaka Guri uu ka deganaa caasimada Iiran ee Tehran. Xilli uu ka qeybgalayay caleema-saarka Madaxweynaha cusub Iran, Masoud Pezeshkian, Xamaas waxay ku eedeysay weerarka dilka hogaamiyahooda Gumeystaha Israel. Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran waxay xaqiijiyeen weerarka dilka ah ee loogeystey Ismail Haniyah, iyagoo ballanqaaday inay faahfaahin dheeri ah bixin donaan saacadaha nagu soo aadan. Dilka Ismail Haniyeh wuxuu kusoo aadey xilli xiisado ba,an ka taagan yihiin gobolka bariga dhexe. Saacado kahor dilka Haniyeh, Israel ayaa ku dishey duqeyn cirka ah oo ka dhacdey caasimada Lubnaan ee Beirut,Fuad shukri oo kamid ahaa hogaanka sare ee ururka Xisbullah.

Kumuu ahaa Ismail Haniyah?

Magaciisa oo dhameystiran waa Ismail Abdisalan Ahmed Haniyeh. Wuxuu ku dhashay sanadkii 1962 xerada qaxootiga Shati ee marinka Gaza. Waxbarashadiisii Dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay dugsiyada ku yaalla Gaza. Intaas ka dib, wuxuu ku biiray Jaamacadda Islaamiga ee Gaza, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee dhaqaalaha iyo maamulka. Intii uu jaamacadda dhiganeyey, wuxuu ku biirey dhaqdhaqaaqyada ardayda iyo ururrada islaamiga ah, taas oo qayb ka ahayd wadooyinkii u sahley inuu ka mid noqdo Uruka Xamaas markii la aasaasay 1987. Wuxuu ku biiray dhaq dhaqaaqa Xamaas dhowr sano kadib markii la aasaasay sanadii 1987. Haniyeh wuxuu ku soo baxay hogaanka kooxda sababo la xiriira hibooyinkiisii iyo kartidiisa hogaamineed.

Doorkiisii Siyaasadeed

Ismail Haniyah doorkiisii siyaasadeed wuxuu soo if baxey markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Maamulka Falastiin sanadkii 2006 kadib markii Xamaas ay ku guuleysatay doorashooyinkii Waqtigaas la qabtey. Isla watqigaas waxaa soo if baxey isku dhacyadii u dhaxeeyey labada Urur ee Xamaas iyo Fatax, taas oo keentay kala qeybsanaanta siyaasadeed ee dhulka Falastiin. Sanadkii 2007, Haniyeh waxaa shaqada ka eryay Madaxweyne Mahmoud Abbas, hogaamiyaha Fatax, balse Haniyeh wuxuu sii waday inuu door muhiim ah ka ciyaaro ururka Xamaas.

Hogaaminta Xamaas

Sanadkii 2017, Haniyeh waxaa loo doortay guddoomiyaha xafiiska siyaasadda ee Xamaas, isagoo kamid noqday mid ka mid ah hogaamiyeyaasha ugu sarreeya ururka. Markii uu noqday hoggaamiyaha siyaasadda ururka Xamaas, wuxuu sii waday halgankii hubeysnaa ee xoreynta dhulka Falastiin. Wuxuu caan ku ahaa aragti fog iyo go’aan adag aan sin aba loo wiiqi karin kaas oo u ku taageeri jirey qadiyada Falastiin, isagoo marar badan ugu baaqay midnimo kooxaha iska soo horjeeda ee Falastiin iyo iska caabin joogto ah oo ka dhan gumeystaha Israa’iil.

Dilkii Qoyskiisa

Ismail Haniyeh bishii April, 2024 waxaa soo gaarey war aan dhegihiisa u rooneyn kaas oo ahaa geerida saddex ka mid ah wiilashiisa iyo dhowr qaraabadiisa ahaa oo ku dhimatay duqeyn cirka ah oo Israil ay ka fulisey xerada qaxootiga ee Waqooyiga Gaza bishii April 2024. Inkasta oo uu waayey awlaadisii, iyo badi qoyskiisi wuxuu ku sii adkeystey taageeridiisa Xamaas iyo halganka Falastiin, isagoo sheegay in dhiigga caruurtiisa aanu ka qiimo badnayn kan shuhadada kale ee Falastiiniyiinta Maalin walba daadanaya.

Saamaynta Dilka Haniyeh ee gobolka Bariga dhexe

  Dilka Haniyeh wuxuu si weyn u kordhin doonaa xiisadaha ka jira Bariga Dhexe, taasoo laga yaabo inay horseedo rabshado iyo xasilooni darro dheeraad ah. Geeridiisu waxay ka saareysaa hogaamiye muhiim ah ururka Xamaas, taasoo saameyn ku yeelan karta howlaha,habsami usocodka iyo istiraatiijiyadda ururka. Dilka Haniyah wuxuu kaloo iftiiminayaa habacsanaanta laamaha sirdoonka Iiraan Intaa waxaa dheer, Dilka Haniyah wuxuu keeni kartaa ficillo aargoosi oo ka yimaada Xamaas iyo xulafadeeda. Ugu danbeyn meydka Ismail Haniyah ayaa loo qaadi doona maalinta jimcaha Caasimada Qatar ee Doha.

Share this Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *