Trump oo Ka Mamnuucay Harvard Diiwaangelinta Ardayda Ajnabiga ah
Maamulka Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si rasmi ah u hakiyay awooddii Jaamacadda Harvard ay u lahayd inay diiwaangeliso ardayda caalamiga ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay Waaxda Amniga Gudaha ee dalkaasi.
Go’aankan, oo ay ku dhawaaqday Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem, ayaa ah mid si weyn u saameynaya jaamacadda, maaddaama uu si toos ah u taabanayo kumannaan arday oo ajnabi ah kuwaas oo hadda wax ka barta Harvard ama qorsheynayay in ay halkaas safarkooda waxbrasho ka bilaabaan.
“Ma aha mid la aqbali karo in jaamacadduhu ay fursad u helaan inay diiwaangeliyaan arday ajaanib ah islamarkaana ka faa’iideystaan maalgelinta dowladda Mareykanka, halka ay ka sii abuurayaan fikrado halis ah,” ayay tiri Noem. Waxay sidoo kale tilmaantay in Harvard aysan si buuxda ula wadaagin dowladda xogta ardaydaasi, iyada oo ay jiraan walaac laga muujinayo xiriirada qaar ka mid ah ardayda Harvard la leeyihiin dalal dibadda ah oo ay ka mid yihiin Shiinaha.
Jaamacadda Harvard ayaa si adag uga falcelisay tallaabadaas, iyadoo sheegtay inay tahay mid siyaasadaysan oo dhaawacaya sumcadda iyo doorka caalamiga ah ee jaamacadda.
Mas’uuliyiinta Harvard waxay sheegeen in go’aankan uu halis gelinayo mustaqbalka waxbarasho ee kumannaan arday ah, ayna qaadi doonaan tallaabo sharci ah.
Tallaabadan ayaa imanaysa xilli uu sii xoogeysanayo cadaadiska maamulka Trump ku hayo jaamacadaha waaweyn ee dalkaas, gaar ahaan marka ay timaado waxbarashada ardeyda caalamiga ah iyo siyaasadda arimaha dibedda ee waxbarashada la xiriira.
Waxaa sidoo kale la filayaa in go’aankaasi uu saameyn ballaaran ku yeesho jaamacado kale oo Mareykan ah oo si weyn ugu tiirsan ardayda ajaanibta ah