PKK oo Hubka Dhigtay, Sheegtayna Inay Joojisay Colaaddii Ay Kula Jirtey Dowladda Turkiga
Ururka Shaqaalaha Kurdistaan ee PKK ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u joojiyey dagaalkii hubeysnaa ee uu muddada dheer kula jiray dowladda Turkiga, iyagoo sheegay in ay hubka dhigeen, una gudbeen waddo siyaasadeed iyo mid nabadeed, taas oo ka dhigan in ay xuquuqdooda ku raadsan doonaan waddo ku dhisan wadahadal nabadeed.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyey shirweyne uu ururkaasi ku yeeshay buuraleyda waqooyiga Ciraaq, halkaas oo hoggaanka sare ee PKK ay ku sheegeen in wejigii colaadda hubeysan la soo afjaray, loona gudbay marxalad cusub oo ku dhisan wada hadal siyaasadeed iyo mid nabadeed.
Ururka PKK waxaa la aasaasay sanadkii 1978, waxaana aasaasay hoggaamiyaha caan ka ah ee Kurdiyiinta Cabdullaahi Öcalan, kaas oo tan 1999-kii ku xiran Jaziirada Imrali ee dalka Turkiga, mrkaas oo laga qabtey isagoo ku sugan dalka Kenya. Inkastoo uu muddo dheer xiran yahay, hadana Öcalan wuxuu weli saamayn xooggan oo ku leeyahay go’aanada ururka, waxaana la rumeysan yahay in baaqii nabadeed oo uu diray bishii Febraayo ee 2025 uu horseeday go’aanka ay PKK ku dhawaaqdey maanta.
Mudadii uu jiray ururku, waxa uu dagaal hubeysan kula jiray dowladda Turkiga isaga oo raadinayey xuquuqda shacabka Kurdiyiinta ee degan waqooyi-bari ee dalka Turkiga. Dagaalladaas oo socday tan iyo sanadkii 1984 ayaa sababay dhimasho kor u dhaafaysa 40,000 oo qof, iyo burburka deegaanno badan. Ururka PKK waxaa argagixiso u aqoonsadey dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Maraykanka, Midowga Yurub iyo kuwo kale.
Go’aankan cusub wuxuu kusoo beegmayaa xilli siyaasadda Turkiga ay muujisey furfurnaan cusub oo la xiriirta arrimaha Kurdiyiinta. Falanqeeyayaal badan ayaa u arka tallaabada PKK fursad weyn oo lagu xallin karo khilaafaadka taariikhiga ah ee u dhexeeya Ankara iyo bulshada Kurdiyiinta.
Dadka indha-indheeya arrimahan ayaa hadda isha ku haya jawaabta dowladda Turkiga, iyadoo la filayo in wadahadallo rasmi ah la furo, si loo helo heshiis nabadeed oo waara. Go’aanka PKK ayaa loo arkaa mid muhiim u ah geeddi-socodka nabadda Bariga dhexe iyo dib u dhiska xiriirka Turkiga iyo Kurdiyiinta.