Iskaashiga Soomaaliya iyo Finland ee Dib-u-Celinta Qaxootiga
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in wada-hadalladi dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Finland ay ku jiraan qodobo qarsoon oo diiradda lagu saarayo sidii xal loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Finland. Ilo-wareedyo ku dhow xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in xubno muhiim ah oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ay gadaal ka riixayaan qorshe lagu ballaarinayo taageerada Finland ee Soomaaliya, iyadoo lagu beddelanayo mashaariic iyo maalgelin.
Qorshaha Dib-u-Celinta Qaxootiga
Kulanka ay yeesheen Wasiirka Amniga Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland Mari Rantanen ayaa si weyn loogu faaqiday arrimaha maaraynta socdaalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida. Waxaa lagu soo waramayaa in Finland ay dooneyso inay kaalmada ay siiso Soomaaliya xoojiso, iyada oo ku beddelaneysa in Soomaalida qaxootiga ah lagu dhiirrigeliyo inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Heshiisyadan ayaan wali si rasmi ah loo shaacin, balse ilo-wareedyadu waxay tibaaxayaan in dowladdu dooneyso in mashruucyo dhaqaale iyo mashaariic horumarineed loo adeegsado sidii loo fududeyn lahaa arrintan. Finland ayaa sidoo kale u muuqata mid daneyneysa in ay xalliso dhibaatooyinka ka dhashay tirada badan ee qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalkeeda.
Gorgortanka Mashruuca iyo Maalgelinta
Wararka hoose waxay tilmaamayaan in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa maalgelin cusub oo ka timaada Finland, gaar ahaan mashaariic lagu xoojinayo amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed. Finland, dhankeeda, waxay ka faa’iideysaneysaa iskaashigaas si ay u hesho xal siyaasadeed oo lagu maareynayo qaxootiga Soomaalida.
Saameynta Qorshaha
Haddii qorshahan la hirgeliyo, waxa uu saamayn weyn ku yeelan doonaa dad badan oo Soomaali ah oo ku nool Finland, kuwaas oo laga yaabo in lagu dhiirrigeliyo inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya. Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa daneyneysa iney kafaa’iideysato maalgelinta iyo taageerada farsamo ee Finland si ay u horumariso kaabayaasha dhaqaalaha, hay’adaha amniga, iyo adeegyada bulshada.
Gunaanad
Kulammadan dhexmaray Soomaaliya iyo Finland waxay tilmaamayaan sida labada dhinac ugu heelan yihiin iskaashi dhow oo istiraatiiji ah. Si kastaba ha ahaatee, arrimaha ku saabsan dib-u-celinta qaxootiga ayaa u baahan in si feejigan loo maareeyo si loo xaqiijiyo in xalalka la gaari doono ay dan u yihiin dadka Soomaaliyeed. Dawlada Somaaliya ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin heshiiskaan