Dagaal culus oo qarxay Bariga dhexe – Israa’iil oo weerar lama filaan ah ku qaaday Iraan,.
Saaka abaare 4:30, waaberigii hore ee Jimcaha, ayaa diyaaradaha dagaalka Israa’iil waxay duqeeyeen caasimadda Iran ee Tehran iyo goobo istaraatiiji ah oo ku yaalla gudaha dalkaas. Weerarkan lama filaanka ah ayaa kusoo beegmay xilli xiisada labada dal ay sare mareysay.
Sida wararki sheegayaan weerarku wuxuu billowday abbaaro 4:30 aroornimo xilliga Tehran.
Raiisel wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in weerarkan oo loogu magac daray “Rising Lion” uu socon doono maalmo badan, ujeedadiisuna tahay in meesha lagaga saaro halista Iraan ee ku wajahan jiritaanka Israel.
Netanyahu wuxuu sidoo kale xusay in mid kamid ah bartilmaameedyadu uu ahaa xarunta nukliyeerka ee Natanz oo muhiim u ah kobcinta yuraaniyamka.
Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, isagoo shaaciyay in Israel ay filayso aargudasho culus oo kaga timaadda Iran. Diyaaradaha Israa’iil ayaa beegsaday xeryo militari, xarumo sirdoon, iyo bartilmaameedyada warshadaha nukliyeerka.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa xaqiijisay in weerarka lagu dilay saraakiil sare oo ay kamid yihiin:
Jen. Mohammad Bagheri – Taliyihii guud ee ciidamada qalabka sida
Jen. Hossein Salami – Taliyihii Ilaalada Kacaanka
Amiir Ali Shamkhani – La-taliyaha Khamenei, Iyo Saynisyahannada nukliyeerka ee Fereydoun Abbasi iyo Mohammad Mehdi Tehranchi
Sidoo kale, dhowr qarax oo xooggan ayaa laga maqlay magaalada Tehran, iyadoo telefishinka Press TV uu sheegay in ay jiraan dhimashooyin badan. Israa’iil waxay sidoo kale beegsatay xerada ciidamada ilaalada kacaanka iyo xarumo sirdoon oo ku yaalla gudaha dalka Iran.
Iran ayaa si degdeg ah u magacaawday saraakiil cusub kaddib dhimashada hoggaamiyaashii milatari. Ayatollah Khamenei ayaa Jen. Ahmed Vahidi u magacaabay taliyaha cusub ee Ilaalada Kacaanka, halka Habibollah Sayyari loo magacaabay taliyaha ku meel gaarka ah ee ciidamada qalabka sida.
Dhinaca Israel, garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ayaa la xiray, waxaana heegan sare la geliyay difaaca cirka ee dalkaas.
Danjiraha Israel u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in weerarka uu ahaa go’aan madax-bannaan oo uusan ku lug laheyn Mareykanku.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku adkaystay in Mareykanku aanu ku lug lahayn weerarka, isagoo sheegay in Israa’iil ay warbixin siiyeen oo kaliya, balse aysan ka qeyb qaadan.
Madaxweyne Donald Trump oo saaka ka hadlayay xaaladda cusub, ayaa sheegay in Mareykanka “uusan lug ku lahayn weerarka” balse uu xusay in “Israa’iil ay u muuqato mid gaartay heer aysan sugi karin”. Trump ayaa yiri:
“Weerarka Israa’iil wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay in aysan marna u oggolaan Iraan inay yeelato hub nukliyeer ah. Waxaan rajeynayaa in arrintan aysan horseedin dagaal weyn, balse waxaa dhab i aan dib danbe loo arki doonin masuuliyiin sar sare oo Iiraaniyiin ah.” Sidoo kale Trumo oo hadalkiisa sii ayaa yiri “kuma lug lihin dagaalka, balse waan difaaci doonna amniga ciidankayaga iyo midka Israa’iil hadii Iraan ay jawaab bixiso.”
Boqortooyada Sacuudiga ayaa si adag u cambaareysay duqeymaha, iyagoo sheegay in ay yihiin ku xad-gudub madax-bannaanida Iraan iyo sharciyada caalamiga ah. Waxay ugu baaqeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tallaabo degdeg ah qaado si loo joojiyo gardarrada Israel.
Raiisel wasaaraha New Zealand, Christopher Luxon, ayaa dhankiisa sheegay in weerarka Israa’iil uu yahay mid laga niyad jabo oo uga sii dari kara xaaladda gobolka oo mar horeba kacsaneyd.
Waxaa laga cabsi qabaa in weerarkani uu horseedo dagaal baahsan oo u dhexeeya Israa’iil iyo Iraan, iyo xulafadooda, iyadoo xaaladdu ay hadda mareyso meel helis ah